Real Madrid ayaa qaadatay kaliya hal dhibic labadeedii kulan ee ay la kala ciyaartay Shakhtar Donetsk iyo Borussia Monchengladbach waxaana ay fadhisaa kaalinta ugu hooseysa Guruubkeeda B.
Inter Milan ayaa dhankeeda uruursaday labo dhibcood, maadaama labadii kulan oo ay ciyaartay Champions League ay labadaba barbaro soo gashay.
Shabakadda Sports Mole ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood laga sameeyey ka hor kulankooda caawa ee Champions League, kooxda Inter Milan ayaa kaliya 5 xiddig ku leh shaxdan, halka ay Real Madrid ay xiddigaha ugu badan ku leedahay, iyagoo ku yeeshay 6 laacib.
Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda isku dhafka ah ee ay Kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan ka sameysay Majaladda lagu magacaabo Sports Mole:-