(Lisbon) 14 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la ciyaari doonta kulan ka tirsan siddeed dhammaadka Champions league naadiga reer Jarmal ee Bayern Munich.
Caawa oo Jimce ah ayay labada kooxood ee Barca iyo Bayern isku qaban doonaan magaalada Lisbon ee carriga Portugal, kooxdii badisa ayaana iska xaadirin doonta afar dhammaadka tartankan oo waa hal lug oo kala bax ah.
Barcelona inay koobkan Champions League ku guuleysato waxaa kugu dambeysay sanadkii 2015-kii, halka Kooxda Bayern Munich markii ugu dambeysay oo ay hanato tartankan ay ahayd sanadkii 2013-kii.
Waxa aan xusuusta laga saari karin in labadan kooxood ay min shan jeer ku guuleysteen tartankan koobka horyaallada Yurub.
Barca waxa ay soo gaartay siddeed dhammaadka Champions League kal ciyaareedkan markii ay 4-2 cel-celis ahaan uga soo baxday Napoli, halka Bayern Munich ay labadii lugood 7-1 ku soo dhufatay naadiga reer England ee Chelsea ayna iska soo xaadirisay quarter-finalka tartankan.
Shabakadda Sports Mole ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood laga sameeyey ka hor kulankooda caawa ee Champions League, kooxda Barcelona ayaa kaliya 4 xiddig ku leh shaxdan, halka ay Bayern Munich ay xiddigaha ugu badan ku leedahay, iyaga oo ku yeeshay 7 xiddig.
Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda isku dhafka ah ee ay Kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich ka sameysay Majaladda lagu magacaabo Sports Mole:-
Gool FM.