Shaqaalaha Dawladda Mareykanka oo loo qabtay 30 maalmod inay ku tirtiraan TikTok.

0
118
The TikTok logo is seen on an iPhone 11 Pro max in this photo illustration in Warsaw, Poland on September 29, 2020. The TikTok app will be banned from US app stores from Sunday unless president Donald Trump approves a last-minute deal between US tech firm Oracle and TikTok owner ByteDance. US authorities say the Chinese video sharing app threaten national security and could pass on user data to China. (Photo by Jaap Arriens/NurPhoto via Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dawlada Maraykanka ayaa kor u qaaday walaaca ay ka qabto, halista amni ee ka dhalan karta isticmaalka barnaamijka TikTok, iyada oo ku amartay dhammaan shaqaaalaha dawladda ee heer federaal inay telefoonada dawladda ka tirtiraan TikTok. Tallaabo tan la mid ah waxaa qaaday, dawlado badan oo reer galbeedka ah, kuwaas oo ka cabsi qaba in barnaamijkan loo isticmaalo dhinaca basaasidda.

Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa Isniintii sheegay inay shaqaalaha dawladdu ay haystaan 30 maalmood oo ay telefoonada dawladdu leedahay kaga tirtiraan TikTok.

Congresska Maraykanka, Aqalka Cad, Ciidamada Maraykanka iyo in ka badan kala badh gobollada Maraykanka ayaa hore u mamnuucay adeegsiga TikTok, iyaga oo ka walaacsan in shirkadda iska leh ee ByteDance, inay u ogolaanayso dawladda Shiinaha, inay heli karaan macluumaadka gaar ah ee dadka isticmaala TikTok, sida waxyaabaha ay booqdeen iyo meelaha ay tageen, ama in shabakaddan loo adeegsado faafinta wararka been abuurka ah.
Shiinaha ayaa ku macneeyey tallaabada uu qaaday Maraykanku inay muujinayso, sida aanay isugu kalsoonayn iyo weliba sida ay ugu takrifalayaan awoodda Dawladda.