Shacabka ku dhaqan Jasiiradda Madhawa ee gobolka Jubbada Hoose oo ka cabanaya biyo yari soo food saartay

0
182

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shacabka dagan Jasiirada madhawa waxaa lagu qiyaasaa ilaa sagal boqol oo qoys inta aan la kenin warshadda biyaha macaaneyso bulshada ku dhaqan jasiirada madhawa ayaa waxa ay ka caban jiren biyo yari aad u xoggan isha kaliya ee biyaha ka heli jireen ayaa waxa ay ahayd biyo dhaamin loga sameen jiray degaanka warfeele oo qiyastii u jiro 20km .

Hada oo ay jaziradu ledahay warshad yar oo biyaha sifaysa ayaa wali waxaa jiro biyo yari maadama biyaha warshada so saarto aysan ku filnayn biyaha jasirada matorka biyaha macaaneya wuxuu kaliya shaqeen karaa lix saacadood oo isku xigto isagoo maalinti soo saaro lix boqol oo litir oo biyo ah taas oo ka dhigan inay soddon qoys kaliya ay ka dhaansan karaan min labo caag maalintii jirgaankina waxa uu ku qaataa inuu ku buuxsamo mudo labo iyo tobban daqiqo ah.

Sido kale shacabka jasiirada ku dhaqan biyaha way iibsadaan waxa ayna ku iibsadaan jirgaankii hal dollar .dadka danyarta ah ma awodaan inay iska bixiyan lacagtaasi .

Daahir abdulle ali oo kamid ah dadka jasiirada ka shaqeeya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sharaxay sida ay warshadani u shaqayso iyo sido kale caqabadaha ka jiro waxa uuna sheegay inay ka jiraan caqabado aad u badan oo xiliyada qaar ay warshada halowdo shacabka lasoo darso. daahir ayaa dowlada ka codsaday iyo hayadaha in warshada agabyo badan oo ka dhiman lagu kabo loo keeno.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa