Shacabka iyo Maamulka Dhoobley oo iska kaashanaya Moosida biyaha soo fakaday

0
98

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose waxaa ay ku taala xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Xiligan hada waxa ay Magaaladu wajaheysaa Biyo badan oo ka dhashay Roobkii da’ay si lamida Degmooyin badan oo dalkeena ah.

Daadadkaas ka dhashay roobka waxay inta badan saameeyeen isku socodkii Magaalada hadii ay noqon lahayd gudaha Magaalada iyo safaradii u bixi jirey Degmooyinka dalka iyo wadanka kenyaba.

Maalintii labaad waxaa ay maamulka Degmada iyo dadka ku dhaqan Dhoobley hortaagan yihiin biyo badan oo kaso fatahay xadka kenya ay la wadaagto Magaaladu.

Biyahan ayaana lagaraneynin halka ay sida rasmiga ah uga so baxyaan, Maamulka ayaa wada dadaalo biyahaasi looga moosayo Degmada.

Biyahan kaso burqanaya dhinaca kenya ma ahan markii ugu horeysay ee ay ka yimaadan  horey sidan oo kale way uso gaareen Degmada waana wax la fisho inta badan xili roobaadka.

Lama oga biyahan inta ay xadi ahaan le’eg yihiin balse maamulka Degmada aya wada moosida biyahan iyadoo ay jirto qalab yari ku aadan wixii looga hortagi lahaa biyahaas khatartooda wata.