Saynisyahannada Afrika oo maanta la filayo in ay xanuun cusub ka digaan

0
30

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saynis yahanada Afrika ayaa la filayaa in galinka dambe ee maanta oo ay tahay salaasa ay ku dhawaaqaan xaalad caafimaad oo deg deg ah, sababo la xidhiidha walaaca laga qabo cudurka cusub ee Mpox.

Kiisaska cudurka aadka u faafa, oo hore loogu yiqiin fuqur daanyeerka, ayaa si degdeg ah u faafay sanadkan ka dib markii uu markii ugu horreysay ka soo muuqday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Tan iyo sannadkii hore waxaa Congo ka jiray toddoba iyo labaatan kun (27,000) xaaladood iyo in ka badan kun dhimasho ah.

Cudurka ayaa sidoo kale ku faafay dalal kale oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Kenya, Rwanda, Burundi iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Saraakiisha Xarunta Xakamaynta Cudurarda ee Afrika ayaa la filayaa in ay ka digaan in uu cudurku soo wareego iyada oo aan tallaabo adag laga qaadin si loo xaddido faafitaankiisa.