Saxiixii Cusbaa Ee Arsenal Oo Garoomada Ka Maqnaanaya Dhowr Bilood

0
68

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa ka baqeysa in saxiixooda cusub Jurrien Timber uu garoomada ka maqnaado dhowr bilood ka dib markii uu dhaawac ku baxay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League.

Daafaca 34ta milyan ginni ku fadhiya ayaa dhaawac ku baxay kulankii ugu horeysay ee uu ka soo muuqdo Premier League ka dib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka.

Timber oo 22 sanno jir ah ayaa dhowr jug ay soo gaartay intii ay ciyaarta socotay laakiin qeybtii labaad waxaa la xaqiijiyay inuusan ciyaarta sii wadan karin.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in daafaca uu maray dhowr baaris si loo ogaado halka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

Waxaa la soo jiidiyay in dhaawaca xiddiga reer Holland uu sababi karo inuu garoomada ka maqnaado dhowr bilood bedelkii uu maqnaa lahaa kaliya todobaadyo.

Si kastaba, wargeyska wuxuu sheegay inaan weli la xaqiijin in dhaawaca jilibka uu yahay mid halis badan.

Si kastaba, warkaan wuxuu niyadjab weyn ku yahay tababare Mikel Arteta oo ku faraxsanaa sida uu xiddigaan u la qabsaday kooxda tan iyo markii uu ka soo wareegay Ajax.