Saxiixa Labaad Ee Barcelona Oo Tijaabada Caafimaadka Ku Baasay.

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa sii wada dadaalkeeda ay ku xoojinayso kooxdeeda ka hor bilowga xilli ciyaareedka 2025-26.

Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa Ronnie Bardji oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Denmark ee FC Copenhagen, taasoo u dhiganta saxiixeedii labaad ee xagaagan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Barcelona ayaa la soo saxiixatay goolhayaha kooxda Espanyol ee Juan Garcia kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda ka caawiyay in ay sii joogaan horyaalka La Liga.

Sida laga soo xigtay saxafiga Sky Sport ee Fabrizio Romano, Bardji ayaa soo gabagabeeyay qaybtii hore ee tijaabada caafimaadka Barcelona, ​​ka hor inta uuna 2 milyan ugu biirin kooxda.

Nidaamka rasmiga ah ayaa la filayaa inuu sii socdo usbuuca soo socda, iyadoo Barcelona ay heshiis afka ah la gaartay garabka Sweden inuu ku biiro kooxda.