SAWIRO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo safar ku tegay degmada Balcad

0
199

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar howleed ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga  abdullaahi Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo safar dhinaca dhulka ah uga baxay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ayaa  booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.