Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya goordhow ka bilaabatay Munaasabadda caleemo saarka iyo dhaarinta madaxweynaha 5-aad ee dalka Kenya William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, waxaana munasabadda ay ka socotaa garoonka Kubadda Cagta Kasarani Sports Centre ee Magalada Nairobi.
In ka badan 60,000 oo Kenyan ah oo ka kala yimid gobolada dalkaasayaa soo xaadiray Garoonka , sidoo kale waxaa inta badan Goobta munaasabadda xaadir ah in ka badan 20 madaxweyne oo ka socda qaaradda Afrika iyo Caalamka & wufuud kale.
Waxaa kamid ah madaxda ka qeybgaleysa munaasabadda Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doono Madaxda ka qeyb galeysa munaasabadda.