Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Boqolaal Dadweyne ah oo ka kala yimid Xaafadaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Maanta goob fagaaro ah ka dhigeen Banaanbax, iyaga oo sidoo kale ku dukday Salaad Roobdoon ah.
Dadweynaha oo isugu jiray Culimo, Arday iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada aya isugu yimid fagaaraha Brxad Iskuulka Mujamac ee Magalada bledweyne, iyaga oo halkaasi Alle uga baryay in uu Roob u keeno si looga baxo Abaarta.
Qaar kamid ah Culimadii ka qyeb gashay isku soo baxa ayaa Salaadda Robdoonka ah waxaa ay ugu baqeen bulshada magaalada in ay badiyaan is cafiinta si loo hello Raxmadda Alle ee Roobka maadaama abaaro darran ay ka jiraan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Isku soo baxaan oo ay shalay iclaamiyeen Cullimada Magaalada Beledweyne ayaa dhamaan dadkii ka qeyb galay waxaa ay Alle ka baryeen in uu roob u keeni si looga baxo abaarta.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar aad u daran, waxaana Gudaha iyo daafaha degmada Beledweyne ku sugan dad kasoo barakacay degaano ay kajirto abaarta.