Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Degmada dhoobley ee gobolka jubada hoose Waxaa sara u kac ku yimid Qiimaha la iibiyo qalabka lagu dhiso guryaha ee lagu iibiyo suuqyada magaalada.Sara u kacan ayaa waxaa sababay in halka laga keeni jiray qalabku oo ay qaali ka noqdeen taasoo keentay inay yaraadan qalabkii dhismaha ee la keeni jiray magaalada.
Dhismaha waa mid kamid ah shaqooyinka ay sida maalinlaha ah u qabtaan qaar kamid ah muruq maalatada Soomaaliyeed waana mid ay kasoo dhacsadaan nolal maalmeedkooda iyo tan qoyskooda.
Qaar kamid ah ganacsatada iibiya qalabka dhismaha oo warbahiinta sanguuni la hadley ayaa kawarbixiyeey waxyabaha sababay sare u kac ku yimid qiimaha la kala siisto qalabka guuryaha.
Dhanka kale fuaad maxamed mursal waxaa uu kamid yahay bulshada ku nool magaalada dhoobley wuxuuna wareysi naga siiyay saameynta uu ku yeeshay bulshada qeybaheeda kala duwan sare u kac ku yimid qalabka dhismaha.
Magaalada dhoobley ayaa ah magalo xuduudee taasi ku wanagsan ganacsiiga qeybahiisa kala duwaan waxan marba marka ka dambeysa sii dhacda sare u kac ku yiimado waxa yabaha kala duwan ee muhiimka u ah bulshaada.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan inooga diyaarisay