Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa laga dareemayay sare u kac xoogan oo ku yimid Qiimaha Maciishada quutul-duruuriga iyadoona loo sababaynayo cudurka carona voris ee dunida ragaadiyay iyo sidookale roobabka ka da’ay deegaanka oo saameeyay wadooyinka soogala magaalada
Sara u kacan ku yimid qiimaha raashiinka qutul daruuriga ayaa waxa uu saamayn balaadhan ku yeeshay dadka ka ganacsada makhaayadaha cuntooyinka ee deegaanka dhoobley.
Hadaba qaar kamida ah Ganacsatada Makhaayad-leyda ee ku nool Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ayaa kawar bixiyay saamaynta ay ku yeelatay sara u kaca maciishada.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya