Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sare u kaca ku yimid Sarifka Dollarka ayaa Saameyn dhaqaale ku yeesha Ganacsatada Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
inta badan ganacsiyada Dalkeena ayaa ah kuwa ku tiirsan lacagta Dollarka taasi oo ay saameyn dhaqaale ka dhalato xiliyada uu kor ukaco.
Ganastada Degmada Dhoobley ayaa walaac xooggan ka muujiyay Sare u kaca ku yimid Lacagta dollarka iyo sido kale hoos dhaca lacagta Shilinka Kenya oo kamid ah lacagaha wax lagu kala iibsado Suuqyada Dhoobley.
ganacatadan ayaa sido kale xusay in mararka qaar ay Caqabad ku noqoto in Bulshada ay isla fahmi waayeen sare u kaca ku yimid lacagta Dollarka.
Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqyada Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose oo aan wareysi la yeelanay ayaa fah-faahin ka bixiyay sare ukaca ku yimid Lacagta Dollarka iyo Saameynta ay ku yeelatay ganacsigooda.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay