Sare u kaca ku yiimid qiimaha saliid Cadeyda oo saameyn ku yeeshay Haweenka ka ganacsada Sanbuuska xilliga soonka.

0
221

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Inta badan Suuqyada Soomaaliya waxaa laga dareemaa dhaqdhaqaaq xoogan markii lagaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana ladareemaa in Bishaan ay kaduwantahay Bilaha kale

Raashinka ayaa  socod wanaagsan laga dareemaa inta laguda jiro bisha Barakeesan ee Ramadaan, dadka ayaana iibsado raashinkii ay uga bixi lahaaayeen Bisha, sidookale Qudaarta ayaa sameyso dhaqdhaqaaq fiican.

Iyaadoo taasi ay jirto ayaa ramadaanka sanadkan waxaa uu ku soo beegmay iyadoo ay guud ahaan somaliya kajirto sicir barar xoogan taas oo saamayn ku yeelatay nolosha dadka danyarta ah.

Haween badan oo ku nool magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa sannad kasta marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan nolol maalmeedka qoyskooda ka mareeya dubista sanbuuska basle waxaa sannadkan saameyn ku yeeshay sicir bararka ku yimid qiimaha saalida taasoo hoos u dhigtay sanbuuskii ay dubi jireen.

Qaar kamid ah haweenkaas ayaa Radio Sanguuni uga warramay saameynta ay kala kulmeen sare u kaca ku yimid qiimaha saliida.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa