Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sare u kac xoogan ayaa laga dareemaya Qiimaha lakala siisto rashinka quutul daruuriga ah ee Suuqyada Magaalada Garbahaarey.
Bulshada ku nool Magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa walaac xoogan waxa ay ka muujiyeen sare u kaca ku yimid rashinka noocyadiisa kala duwan waxa cabasho ka imaanaysaa ganacsatada suuqyada waa weyn sida kuwa iibsado iyo kuwa ka dukaamaysto.
Ganacsatada magaalada ayaa sheegay in gaabis xoogan uu ku yimid taasina ay sabab u tahay Magaalada Muqdisho oo ay badeecooyinka kala duwan uga yimaadaan.
Qaar kamid ah shacabka magalada ayaa shegay in labadii toddobaad ee laso dhaafay aysan ka adeegan suqyada magalada maadaama uu saddexlihii saliida ahaa uu marayo 7 $ halka uu awal ahaa 3$.
Fardowsa Axmed Cabdi ayaa warbixintan ku eegeysa