Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mudooyinkii u dambeeyay waxaa sare u kacay qiimaha caanaha xoolaha ee suuqyada Magaalada Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose taasi oo ay saamaysay bulshada qaybeheeda kala duwan.
maadaama xiliyadii hore caanaha xoolaha qiimahoodu uu ahaa mid iska sahlan hada ayaa galaaska caanaha lakala siisanayaa 13 kun oo shilinka Soomaaligaa taas oo ay dadka iibiya ay u sababeeyeen Roob la’aanta kajirta Deegaanka.
Qaar kamid ah Haweenka ka ganacsada caanaha xoolaha oo Radio Sanguuni lahadlay ayaa kawarbixiyay sare u kaca kuyimid caanaha iyagoo u sababeeyay abaarta ku habsatay dalka hadala doodiina waxaa kamid ahaa.
Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixinatan ino soojeedinaya