Sare u kac ku yimid qiimaha barafka ee Suuqyada Deegaanka Dhoobley

0
252

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose waxa ay kamid tahay Magaalooyinka kulul ee Dalkeena, waxaana sida weyn loga isticmaalo Barafka taasi oo ay dadka siweyn u buux dhaafiyaan goobaha lagu ibiyo barafka.

Deegaanka ayaa maalmihii ugu danbeeyay  laga dareemayay sare u kac ku yimid qiimaha lagu kala iibsado barafka  madama bill ramadan lagu guuda jiro dadkuna aysan ka marmiin barafka.

Xuseen Maxamed waxa uu leeyahay warshad sameysa barafka waxana ka wareysanay  waxayabaha sababay sare u kac ku yimid barafka.

Dhanka kale luul Mahamed dhaqane waxa ay kamid tahay dadka danyarta ah ee uu sameynta ku yeesheey sare u kac barafka waxayna inoo sheegtay in mararka qaar aysan awoodin iibsashada barafka

Si kastaba ha ahaate Dhoobley ayaa kamid ah Magaalooyinka cimilo ahaan kulul ee Dalkeena Soomaaliya taasi oo sabab u ah in dadku siweyn u isticmaalaan barafka.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan inooga diyaarisay