Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Suuqyada magalada dhoobley waxaa ka jiro qiimo korar dhanka noocyada kala duwan ee maciishadda Quutul duruuriga, waxaana heerkii ugu sareeyay gaaraya qiimaha Sonkorta, burka, Saliida iyo Bariiska.
Qiimo korarkaan ayaana saameyn ku yeeshay dadka ku nool deegenka oo ubadan Qoysas danyar ah,xilli ay abaaro xooggan ka jiraan deegaanada Jubbaland.
Dadka danyarta ah ee ku nool deeganka ayaa cabasho ka muujiyay sare u kac rashiinka oo saameyn balaraan ku yeeshay noloshooda qaar kamid ah dadkaasi ayaa ka hadlay arinkani.
Dhanka kale mid kamid ah ganacsatada deeganka dhoobley ayaan kawareysanay waxa sababey sare u kac kuyiimd qiimaha raashinka.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa