Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sare u kac balaaran ayaa laga dareemaya qiimaha khudaarta lagu kala iibsado suuqayada magalada kismaayo ee xaruunta gobolka jubbada hoose.
Ganacsatada Khudaarta ayaa sheegay in sare u kac ay keentay abaarta baahsan ee kajirta deeganada jubbaland oo sameyn ku yeelatey dalagyadii laga keeni jireey beeraha.
Khudaarta lagu kala iibsado suuqyada magaalada kismaayo aya waxa laga keena deeganada uu maro webiga jubba ee gobolada jubbooyinka.
Qaar kamid ah dadka ka ganacsatada suuqa khudaarta ee magalada kismaayo oo warbahiinta la hadlay ayaa geestooda sheegay in sare u kac u ku yimid Khudaarta ay keentay abaaraha kajiraa dalka gaar ahaan deeganada jubbaland.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan ku eegeysa