Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Abaarihii baahsanaa ee ka dacay dalka ayaa si aad ah u saameeyay dalagyada kala duwan ee kasoo baxa beeraha waxaana haatan suuqyada magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose laga dareemayaa in sara u kac ku yimid inta badan dalagyada kasoo go,a beeraha.
Qaar kamid ah ganacsatada magaalada dhobley ee ka ganacsada dalagyada beeraha ayaa sheegay in marba marka ka danbeyso uu sara u kac ku imaanayo qiimaha la iibiyo dalagyada kasoo baxa beeraha.
Ganacsatadan ayaa sheegay in dalagyada beeraha ee lagu iibiyo suuqyada magaalada dhoobley laga kala keeno gobolo kala duwan oo ka tirsan dalka islamarkaana abaarta ka dhacday dalka darteed ay yaraadeen dalagyada uga imanayay dalka gudahiisa.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya