Sanduuqa madoow ee diyaaradihii Mareykanka isku dhacay oo la soo helay.

0
27

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la soo helay sanduuqa madoow ee diyaaradihii shalay iskula dhacay hawada Washington, iyadoo ay soo baxayaan su’aalo la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen gaar ahaan shaqaalaha hagaya diyaaradda iyo sidoo kale halka ay diyaaradda ku degeysay.

Sanduuqa madoow ayaa ah qalab duuba dhaqdhaqaaqa iyo xogta diyaaradaha, kaas oo gacan ka geysta in la helo caddayn faahfaahsan oo sax ah si loo ogaado sabata ka dambeysay diyaaradda shilka gashay.

Sida caadiga ah, laba qof ayaa maamula duulimaadyada hawada ee diyaaradaha helicopters-ka iyo diyaaradaha ku duulaya aagga, oo ah mid ka mid ah hawada aadka loo maamulo adduunka, balse hal qof oo keliya ayaa maamulayay diyaaradihii Arbacadi shilka galay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo u warramay warbaahinta ay bah wadaaga yihiin BBC-da ee CBS News.

Mas’uuliyiinta ayaa weli baaraya sababta keentay shilkan diyaaradaha oo ay ku dhinteen dhamaan 67-da qof ee saarnaa labada diyaaradood ee isku dhacay.

Guddiga qaran ee badbaadinta gaadiidka ayaa sheegay in warbixin horudhac ah la soo saari doono muddo 30 maalmood gudahood