Salah oo Taariikh Ka Sameeyay Premier League.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mohamed Salah ayaa jabiyay rekoodhkii abid ugu fiicnaa Premier league kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kooxda Southampton.

Xiddiga Liverpool ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah isagoo dhaliyay labo gool oo rigoore ahaa kulankii ay Reds 3-1 kaga badisay Saints sabtidii.

Goolashaas ayaa la macno ah in Salah uu horay u jabiyay rikoorka Fantasy Premier League ee dhibcaha uu dhaliyay xilli ciyaareed gudaheed – isagoo horay u jebiyay isagoo sagaal kulan ka harsan xilli ciyaareedkan.

Waxa uu durba helay 306 dhibcood xilli ciyaareedkan, isagoo seddex dhibcood ka badan kii hore ee ugu fiicnaa.

Labada goolba waxa ay la macno tahay in Salah uu haatan dhaliyay ama caawiye gool 13 ka mid ah 14-kii kulan ee ay Liverpool ku ciyaartay garoonka Anfield xilli ciyaareedkan.

Muddadaas, weeraryahanku waxa uu dhaliyey ama caawiyey 12kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay gurigooda ku ciyaareen oo isku xigta.

12-kaas ciyaarood ee tooska ah ayaa la macno ah in Salah uu haatan ku sii dhawaanayo taariikh badan.

Thierry Henry waxa uu gaadhay rikoor la mid ah ka qayb qaadashada goolasha ee ciyaaraha guriga ololihii 2002/03