Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay xilli ciyaareedkan.
Salah ayaa 2 gool dhaliyay kulankii ay ka badiyeen Southampton kulan ka dhacay Anfield.
Kadib goolashaas Salah ayaa albaabka weyn ka galay taariikhda kooxda Liverpool.
Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 242-aad ee kooxda Liverpool tartamada oo dhan tan ilaa markii uu yimid kooxda.
Salah ayaa sidaas ku noqday xiddiga 3-aad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda Liverpool kadib 390 kulan oo uu ciyaaray.
Sawirkan hoose kaga bogo xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda Liverpool.