Salah oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Lionel Messi Jabiyay.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mohamed Salah ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee gool dhaliya waxna caawiya 10 kulan mid ka mid ah shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub tan iyo Lionel Messi xili ciyaareedkii 2014/15.

Laacibka reer Masar ayaa ku jira xilli ciyaareed cajiib ah, goolkii iyo caawintii uu dhaliyay Arbacadii 2-2 ay la galeen Aston Villa ayaa keentay in uu taariikh sameeyay iyadoo Salah uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay tan iyo Messi ee gool iyo caawin 10 kulan oo kala duwan hal xilli ciyaareed ka ciyaara mid ka mid ah shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub.

Rikoorkaan ayaa la dhigay markii Messi, Suarez iyo Neymar iyagoo ah mid ka mid ah seddexda weerar ee ugu halista badan taariikhda kubada cagta.

Sida laga soo xigtay wargeyska OptaJoe, Messi ayaa dhaliyay gool iyo caawin 11 kulan xilli ciyaareedkaas waana Rikoodh Uu Salah si dhib yar u jabin karo.

Ilaa hadda weeraryahanka Liverpool ayaa dhaliyay 24 gool 15 caawin 26 kulan oo Premier League ah, oo lagu daray seddex gool iyo afar caawin todoba kulan oo Champions League ah xilli ciyaareedkan.

Marka la eego tirooyinka weerarka, waxa uu ku raaxaysanayaa mid ka mid ah Xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa waayihii Premier League.

Kani ma ahan rikoorka kaliya ee Salah uu jabiyay kulankii Villa; Goolkiisii 29-aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan ayaa sidoo kale ahaa goolkiisii 15-aad ee uu ka dhaliyo meel ka baxsan garoonkooda, waana goolkii ugu badnaa ee ciyaaryahan Liverpool ah uu ku dhaliyo meel ka baxsan garoonkeeda hal xilli ciyaareed oo Premier League ah.

Markii hore, Luis Suarez ayaa rekoodhkan ku haystay 14 gool oo uu martida ahaa xilli ciyaareedkii 2013/14.