Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaad roob-doon ah oo shalay la iclaamiyey, maantana la oogay.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirada, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale, ayaa shacabka kala qaybgalay salaad roob-doon ah oo lagu oogay masaajidka Ibraahim-dheere ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa bulshada u jeediyey khudbad dheer oo ku saabsan iscafinta, Alle bariga iyo midaynta quluubta bulshada, waxana uu ku baaqay inay maalmaha Khayrka leh ee bisha Ramadaan ku camiraan baryada Eebbe, gaar ahaan weydiisashada raxmaadka oo waqtigan dad iyo duunyoba baahi weyn loo qabo.
Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa isaguna bulshada reer Somaliland ugu duceeyey inuu Eebbe abaaraha kasoo jebiyo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay toobad-keenka badiyaan.
Degaannada Soomalailand ayaa waxaa xilligaan kajira abaar aad u daran taas oo saameysay dad iyo duunyo, waxana dhowr jeer Madaxda Somaliland ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in loo soo gurmado.