Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Seif Al Islam al-Qadaafi oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Libya Mucammar al-Qadaafi ayaa isu diiwaangeliyay tartanka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhici doona bisha Decemeber.
Qoraal lagu baahiyay bogga guddiga doorashada Liibiya ayaa lagu sheegay in Seif Al Islam ay ka qabteen waraaqihii uu ku dalbanayay ka qeybgalka tartanka doorashada madaxtinnimada Liibiya.
Saif Al Islaam waa 49 jir, wuxuuna si weyn u yaqaannaa luqadda Ingiriiska, isagoo shahaadada u sareysa ee dhaqaalaha ka qaatay jamaacadda dhaqaalaha ee London. Wuxuu ka tirsanaan jiray urur hadafkiisa ahaa inay xoojiyaan dhaqaalaha Liibiya.
Waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay ‘wajiga casriga ah ee Liibiya’ balse sanadkii 2008 wuxuu ku dhawaaqay in uusan dooneyn in xukunka uu kala wareego aabbihii.
Dhanka kale Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa mar kale ku celisay in Seif al-Islam yahay nin ay maxkamaddu raadinayso in loo gacangeliyo.