Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa hadda waxa uu baaritaanno Seismic ah oo Seddex geesood ah ka wada deegaanno ka tirsan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu qeyb ka ahaa heshiis hore. Oruc Reis uu horay u dhammaystiray ku dhawaad 78% howsha sahaminta, Bayraktar wuxuu yiri: “Dhammaadka bisha May, waxaan ku dhammeyn doonnaa daraasadaha Seismic-ka halkaas”. “Iyada oo ku saleysan xogta la uruuriyay, waxaan gaari doonaa go’aankayaga ku saabsan Wejiga xiga, kaasi oo ah qodista,” ayuu yiri.
Bayraktar waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in magaalada Istanbul ay martigelin doonto Shirka Khayraadka Dabiiciga ah ee Caalamiga ah . Wasiiro iyo shirkado ay khusayso oo ka kala socda daafaha caalamka ayaa isugu iman doona, xafladaasina ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado iskaashiga, gaar ahaan dhinaca Shidaalka, Gaasta dabiiciga ah, iyo Macdanta