Sagaal iyo toban qof oo gaajo ugu dhintay Qasa, 24 saac gudahood, sida ay sheegeen madaxda caafimaadka

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 19 falastiiniyiin ah ayaa gaajo ugu dhintay Qasa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Dr Khalil al-Daqran, oo ah afhayeenka cisbitaalka al-Aqsa ee Deir al-Balax, ayaa Warbaahinta u sheegay in xaaladda cisbitaallada Qasa ay noqdeen kuwo halis ah.

“Sagaal iyo toban qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa u dhintay gaajo,” ayuu yidhi.

“Isbitaaladu hadda ma siin karaan cunto bukaannada ama shaqaalaha, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah jidh ahaan aan awoodin inay sii wataan shaqada sababo la xidhiidha gaajada daran.”

Wuxuu intaas ku daray in xitaa waxyaabaha aasaasiga ah sida caanaha dhallaanka aan hadda la heli karin.