Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Safiirka Falastiin ee Qaramada Midoobay, Riyad Mansuur, ayaa ka hadlay shir deg deg ah oo ay Qaramada Midoobay ku yeelatay magaalada New York wax yar ka hor.
Isagoo u muuqda qof aad u qiireysan , codkiisa ayaa ayaa xabeeb laga dareemayay, gacmihiisa ruxmayeen markii uu akhriniyay sheekooyinka qaar, gaar ahaan mar uu sheegayay in in ka badan 3,000 oo carruur ah oo ay mas’uuliyiinta Xamaas maamusho Gaza ay sheegeen in la dilay tan iyo 7-dii Oktoobar.
Waxa uu ku furay khudbadiisa isagoo ugu baaqay madaxda caalamka inay gacan ka geystaan joojinta bambooyinka si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah ee dhibaatadu ka soo gaareyso duqeynta Israel.
“Maxaad dooraneysaa waalid ahaan marka ay jiraan doorashooyin aan macquul ahayn. Marka geeridu meel walba taal, burburku uu meel walbo yaal,” ayuu u sheegay dublamaasiyiinta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Waxa uu sheegay in Israa’iil ay burburisay in ka badan 40% guryaha Gaza. Tiradan ayaa sidoo kale waxaa sheegtay oo ay Qaramada Midoobay horraantii toddobaadkan.
Waxaa uu Israel ku eedeeyay in ay isku dayayso in ay si khasab ah dadka uga wareejiso Gaza.