Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo war ka soo saartay shirka Dhuusamareeb 3

0
228

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo war ka soo saartay shirka Dhuusamareeb 3
Iyadoo ay maalin kaliya ka harsan tahay xiliga loo ballamay shirka Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa war ka soo saaray safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.
Safaaradda war qoraal ah ku qortay barta Twitterka ayaa sheegtay in ay aad uga war dhowrayaan natiijada ka soo bixi doonta shirka lagu ballansan yahay Dhuusamareeb 15-ka bishan.
“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ay aad uga wardhoreysaa natiijooyinka shirka Dhuusamareeb 3, baahida loo qabo wadatashi iyo isutanaasul dhab ah Waa muhiim” ayaa lagu yiri warka safaaradda.
Safaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in nooca doorasho ee la galayo ay wada taageersan dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, Baarlamaanka iyo dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya.
“Doorashadu waa in ay xiligeeda ku dhacdaa oo aynan dhicin wax muddo kororsi ah” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka safaaradda.
Sii hayaha wasiirka dastuurka xukuumadda federaalka Saalax Axmed Jaamac oo ka mid xubnaha ay dowladda u magacowday ka soo talobixinta nooca ay doorashadu noqoneyso ayaa adkeeyay in dowladda federaalka ka qeybgeli doonto shirka uuna ku dhici doono waqtigii lagu ballamay.