Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Bayern Munich kaddib toddobaad adag oo lagu riday ganaaxyo lagu wiiqay dhaqaalihiisa looguna diiray ciyaartii Hoffenhem ee Sabtidii.
Mane oo ay kooxdiisa Bayern Munich ku ganaaxday €500,000 miilyan oo Euro oo laga jarayo mushaharkiisa, ayaa waxa ciqaabtiisa lagu tilmaamay rikoodh jabis aanu jirin ciyaartoy kale oo ay koox ku riday ciyaartoy ay anshax marin ku samaynayso.
Sababta loo ganaaxay Mane ayaa waxay ahayd inuu feedhay laacibka ay isku kooxda yihiin ee Leroy Sane oo kasoo muuqday kaamirooyinka iyadoo ay qaraxsan tahay dabinta sare kulankii y kooxdisu barbarraha la gashay Hoffenheim
Sida uu sheegay Sky Sports, Sadio Mane ayaa gaadhay go’aan ah in uu sii joogo kooxdiisa Byern Munich, mana doonayo inuu ka tago xagaaga soo socda inkasta oo ay ciqaab adag marsiiyeen sidoo kalena aanu ku haysanin boos joogto ah.
31 jirkan oo ay dhaawacyo ragaadiyeen ayaa la sheegay inuu saaxiibbadiisa u dhow u sheegay in uu u darsaday kooxdiisii hore ee Liverpool oo uu jeclaan lahaa inuu dib ugu laabto.