Saddix carruur ah oo laga helay cudurka Corona cusibitaal ku yaalla Mexico.

0
257

Dhoobley(Idaacadda  Sanguuni)-Saddex canug oo mataana ah oo ku dhashay cusibitaal ku yaalla Mexico ayaa laga helay cudurka Corona kaddib markii baaritaan lagu sameeyay, waxay arrintani noqotay mid aan horey loo arag, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

Khubaro caafimaad ayaa baaraya, in cudurka uu u gudbi karo uur ku jirta hooyada inta ay uurka leedahay.

Labo ka mid ah carruurta oo gabar iyo wiil ah, ayaa ayay xaaladdoodu wanaagsan tahay, iyagoo lagu hayo cisbitaal ku yaalla magaalada San Luis Potosí.

balse wiilka labaad, ayaa la siinayaa daawooyin la siiyo dadka uu xannuunka hayo.

Afhayeen u hadlay guddiga qaabilsan arrimaha caafimaadka ee gobolka, ayaa sheegay, in dunida aanan laga helin arrinta ku saabsan carruur mataano ah oo la qaadsiiyay cudurka isla markaana kiiskan la baarayo.