Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City maanta ceebaysay Man United oo ay 3-0 kusoo garaacday kulan ka dhacay Old Trafford oo waqti hore ay taageereyaasha martida loo ahaa garoonka iskaga dareereen, kaddib markii ay ka quusteen kooxdooda oo ay arkeen in ay rajo la’aan tahay.
Haaland ayaa rikoodhe ku furay qaybtii hore, mid kalena raaciyey markii lagu soo noqday qaybta labaad, halka dhamaadkiina uu goolka saddexaad dhaliyey Phil Foden.
Manchester City waxay u qalmaysay inay dhaliso goolal intaas ka badan, laakiin Andre Onana ayaa halgan la galay oo diiday in ay kooxdiisu qaadato ceeb intaas ka badan.
Scott McTominay, Rasmas Hojlund iyo Marcus Rashford ayaa fursado ka khasaariyey Manchester United oo waqtigu ku xun yahay.
Saddexdii rikoodh ee ciyaarta
- Waxay ahayd guushii lixaad ee Manchester City ay ku gaadho Old Trafford intii uu Pep Guardiola joogay kooxdaas. United waxay noqotay kooxda labaad ee guulaha ugu badan uu Guardiola kaga soo gaadhay garoomadooda, waxaana kaliya ka liidata Arsenal oo uu siddeed jeer soo garaacay.
- Manchester United waxay guul-darraysatay kala-badh kulamadii horyaalka Premier League ee ay ciyaartay illaa hadda. Toban kulan ayaa laga badiyey shan ka mid ah, waana ceeb weyn oo ay guu dambaysay xilli-ciyaareedkii 1986-87kii.
- Weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland waxa uu dhaliyey 20 gool, 23 ciyaarood oo Premier League ah oo ay kooxdiisu marti ahayd. Waa ciyaartoygii waqtigii ugu koobnaa ku gaadhay tiradaas, isaga oo jabiyey rikoodhkii Kevin Phillips oo 20 gool ku dhaliyey 28 ciyaarood.
Siddeeddii ciyaartoy ee ceebta usoo jiiday Man United
Haddii uu jiro ciyaartoy isaga oo madaxiisu sare u taagan yahay ka baxay garoonka, waa goolhaye Andre Onana oo xaaladda uu ku jiro ay ka duwan tahay middii uu hore ugu soo jiray. Waxa uu ahaa xiddiga kooxdiisa, halka McTominay iyo Lindelof ay woxoogaa yara dhaameen kuwa kale. Siddeedda ciyaartoy ee kaleba waa ay ku ceeboobeen kulanka.
Xiddigii garoonka ee la isku qabsaday
Premier League ayaa xiddiga garoonka siiyey Erling Haaland oo laba gool dhaliyey midna caawiyey, laakiin telefishanka Sky Sports ee ciyaarta baahiyey waxa uu xiddiga u aqoonsaday Bernardo Silva oo ahaa mishiinka kooxda iyo burburiyihii Man United.
Waxa kale oo xiddignimada uu hunguri ka galay Andre Onana oo shaki la’aan ku guuleysan lahaa haddii ay kooxdiisu keeni lahayd natiijo barbarro ah.
Saddexdan ciyaartoyba waxay garoonka ka heleen qiimayn isku mid ah oo ay daradeedu ahayd 8, laakiin Erling Haaland ayaa uu ku maamuusay Premier League.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Man United: Onana (8), Lindelof (6), Evans (5), Maguire (5), Dalot (5), Amrabat (5), McTominay (6), Eriksen (5), Fernandes (5), Rashford (5), Hojlund (5).
Kaydka: Mount (5), Reguilon (6), Garnacho (6), Antony (N/A), Martial (N/A)
Man City: Ederson (7); Walker (6), Dias (7), Stones (7), Gvardiol (7); Rodri (8), Bernardo Silva (8), Alvarez (7); Foden (8), Haaland (8), Grealish (8)
Kaydka: Kovacic (N/A), Doku (N/A)