Saddex dal oo Afrikan ah oo ka baxaya Maxkamadda ICC.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dalalka Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa ku dhawaaqay in ay si deg-deg ah uga baxayaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC).

Illaa hadda maxkamaddu kama jawaabin go’aanka saddexda dal ee Isbhaysiga Saaxil la magac baxay.

Dalalkan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay sameystaan hannaan garsoor oo ku dhisan dhaqanka iyo hiddaha nabadoonimada ee ummadooda.

Maxkamadda ICC waxaa la aasaasay sannadkii 2002 si ay u dabagasho dambiyada xasuuqa iyo gaboodfallada bini’aadamnimada ku lidka ah. Laakiin illaa hadda 33 kiis oo ay gashay, mid mooyee intooda kale waxay ku foorareen Afrika.