Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa baraha bulshada soo dhigtay qaar ka mid ah muuqaallada muujinaya diyaarad helikobter ah oo milateri iyo gantaalada nidaamka difaaca hawada kuwaasi oo la dhigay aag u dhaw Masjid Xaramka ee magaalada Maka oo ah magaalo barakeysan.
Sawiradan la baahiyay, ayaa wasaaradda Difaaca Sacuudiga waxay qortay, “Ciidanka Difaaca Cirka.ayaa isha si aan libiqsi lahayn uga haya, hawshooduna waa inay ilaaliyaan martida Ilaah.”
Mid ka mid ah labada goobood oo lagu baahiyay sawirada gaar ahaan ‘X’ ee Wasaaradda Difaaca Sucuudigu waxay muujinaysaa nidaamyada gantaallada ka hortaga hubka la soo rido oo la dhigay hareeraha magaalada Maka , halka Sacudiga Clock Tower, oo ah dhismaha caanka ah ee ku yaalla afaafka hore ee Masjidka Xaramka, uu sidoo kale ka muuqdo gadaal.
Sawir kale ayaa muujinaya, iyada oo Diyaarad Helicopter ah ay ku wareegeyso Masjidka barakeysan ee Xaramka iyo agagaarkiisa.
Sanadkan waxaa xajka gudanaya dad gaaraya hal milyan iyo bar oo ka kala yimid daafaha caalamka.