Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ee dalka Sacuudiga ayaa daah furtay wajigii labaad ee gurmadka degdega ah ee loo fidinayo Soomaaliya si loo yareeyo saameynta abaarta.
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in lacag ku dhow $13 million oo dollar ku garab istaagayso dadka dhibaataysan iyo kuwa u baahan bini’aadantinimo iyo sii wadida dowrka ay ku leedahay ka hortagga macluusha Soomaaliya.
lacag dhan 47.214 milyan oo ah lacagta Riyaalka una dhiganta $12.9 milyan oo dollar ayuu Sacuudigu ku taageerayaa barnaamijyada cuntada iyo nafaqeynta carruurta, iyo in biyo iyo hoy la siiyo barokacayaasha abaaraha.
Wajigii koowaad ee taageerada Sacuudiga oo lagu qiimeeyay lacag dhan 7.18 milyan, ayaa gacan ka geystay wax ka qabashada macluusha iyo saameynteeda.