Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bogga Xarameenka rasmiga ayaa waxaa la soo dhigay qoraal lagu sheegay in maalinta beerri oo Axadda ah ay tahay ciid.
Dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa la xusaa ciid diimeed muhiim ah oo loo yaqaano Ciidul Fidriga, iyadoo qoysaska ay isugu yimaadaan iyagoo xiran dharkooda kuwa ugu wanaagsan si ay u ciidaan.
Marka dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan soo dhawaato, 1.9 bilyan oo Muslimiinta caalamka ah ayaan rejaynaya in ay helaan cir qaawan oo bilaa daruur ah si’ay u arkaan dhalashada bisha dabaaldagga ciidduna u bilowdo. Sidii bishii Ramaadan dabaaldeggani waxuu bilowdaa dhalashada bil kale.