Sacuudiga oo ka hor yimid soo jeedinta Israa’iil ee ah in Falastiiniyiinta dhulkooda laga raro

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sacuudiga ayaa xaqiijiyay diidmadiisa ku aaddan hadallada Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda, sida wasaaradda arrimaha dibadda ay ku sheegtay war ay saakay soo saartay.

Saraakiisha Israa’iil ayaa soo jeediyay in gobol Falastiiniyiinta leeyihiin laga sameeyo dhulka Sacuudiga.

Netanyahu ayaa wareysi siiyay telefishinka Channel 14 isagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan arrimaha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Warka Sacuudiga si gaar ah looguma xusin soo jeedinta Netanyahu ee in gobol ay Falastiyiinta leeyihiin laga sameeyo Sacuudiga.

Dhanka kale, Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale ka horyimid warka Netanyahu, iyagoo ku sheegay inay tahay faragelin toos ah oo dhulka Sacuudiga ah.