Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka gaashaandhigga ee boqortooyada Sacuudi Carabiya dhaxalsuge Khalid bin Salman ayaa la kulmay dhiggiisa Maraykanka Pete Hegseth.Waxay ku kulmeen magaalada Washington ee Maraykanka.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya dalalkooda iyo sida lagu soo xoojin karo wada shaqeynta dhanka difaaca.Waxaa arrintan shaaca ka qaaday wasiirka difaaca ee Sacuudi Carabiya oo qoraal soo dhigay barta X.
Waxaa uu intaasi ku daray in isaga iyo dhiggiisa Maraykanka ay ka wada hadleen waxyaabaha soo kordhay ee gobolka iyo caalamka iyo dadaallada sare loogu qaadaya nabad galyada iyo xasilloonida.