Sacuudi Carabiya oo cambaareysay Israa’iil ka dib weerar ay ku beegsadeen isbitaal ku yaala Qaza

0
55

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay Israa’iil, kaddib markii laba gantaal oo Israa’iil ay ku dhufatay isbitaalka weyn ee Gaza, waxaana ku dhintay ilmo yar.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si cad u dhaliishey weerarkii Axadii lagu qaaday Isbitaalka Al-Ahli Arab waxayna sheegtay in weerarkaas uu ka dhigan yahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Boqortooyada ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay qaadato mas’uuliyadda ka saaran joojinta xadgudubyada soo noqnoqda ee ka dhanka ah dadka rayidka ah, iyadoo ka digaysa burburka nidaamka caafimaadka Gaza taasoo ka dhalatay sii socoshada xadgudubyada Israel ee dhammaan sharciyada caalamiga ah iyo xeerarka.

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in cunug yar uu ku dhintay weerarka cirka ah ee lagu qaadey isbitaalka Al Ahli ee ku yaala Marinka Qaza.

Guud ahaan Qaza waxaa shalay lagu dilay dad gaarayaa 37 qof oo ay ku jiraan lix qof oo walaalo ahaa.