Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa shalay shaaciyey in aanu wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa, balse ay wax walba caddaan doonaan oo uu saxaafadda la wadaagi doono ka hor inta aan la gaadhin bisha June oo uu bilaabmayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024.
Horraanta bishii February, ayuu Kylian Mbappe siiyey Real Madrid go’aankii ay muddada dheer sugayeen oo ahaa in uu xagaaga si xor ah ugu soo wareegayo, waxaana ay saxaafadda Faransiiska iyo Spain warinayaan in mar horeba ay dhinacyadu dhamaystireen heshiiska.
Qodobka inta badan ay isku hayeen labada dhinac oo ahaa xuquuqda sawirka ee laacibkan ayaa laga heshiiyey sida ay saxaafaddu ku warramayso, waxaana hore la iskula meel-dhigay mushaharkiisa iyo tirada sannadaha.
Laacibkan oo shalay ka hadlayey shir jaraa’id ayaa yidhi: “Wali ma hayo wax aan shaaciyo. Maanta ma jiraan wax cusub oo aan idiin sheego, aniga ayaa idinla wadaagi doona marka ay wax cusub soo kordhaan illaa illaa hadda ma jiraan wax aan idiin sheego.”
Inkasta oo uu Kylian Mbappe hadalkaas sheeay, haddana laacibkii hore ee kooxda PSG ee Jerome Rothen oo hadda falanqeeye ka ah telefishanka RMC Sport ayaa waxa uu sheegay in Mbappe iyo Real Madrid ay heshiiyeen, balse ay go’aansadeen in ay dib u dhigaan waqtiga shaacinta heshiiska.
Rothen ayaa yidhi: “Mbappe waa uu u saxeexayaa Real Madrid, aniguna qofna uma sheegayo wax cusub, laakiin haddii ay PSG usoo gudubto semi-finalka Champions League, Sidoo kalena ay Real Madrid tartanka ka saarto Man City oo ay usoo gudbaan semi-finalka, waxa suurtogal ah in aynu aragno iyaga oo iskugu yimid finalka. Sidaas daraadeed ayaan hadda loo shaacinaynin heshiiska.”