SAADAAL: Xasuuqa Arsenal & City, Chelsea Oo La Garaacayo, Liverpool Oo Kufaysa Iyo Saadaasha Usbuuca Ee Chris Sutton

0
119

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaarayaa usbuucii 31aad iyadoo ay figta sare isku eryanayaan Arsenal oo lix dhibcood hoggaanka ku haysa iyo Manchester City oo haysata hal ciyaar oo baaqi ah oo ku raad-jooga Gunners oo ay dhamaadka bishanna ballansan yihiin.

Kooxda dhibaatoonaysa ee Leicester City iyo tababaraheeda cusub ayaa waxay Sabtida waajihi doonaan Manchester City oo ay waliba ku booqanayaan Etihad Stadium, waana kulan uu Pep Guardiola ku sifeeyey in  kooxdiisa ay u dhamaatay haddii laga adkaado.

Dean Smith oo toddobaadkan la wareegay Leicester City ayaa waayihiisa ku furan doona imtixaan adag iyo guul-darro, sida uu saadaaliyey khabiirka BBC Sports ee Chris Sutton oo soo saaray saadaashiisa toddobaadlaha ah, wxaana lagu karbaashi doonaa 3-0.

Waxa kale oo Axadda dib u celin doonta farqiga dhibcaha oo lix  ka  dhigi doonta Arsenal oo Axadda marti u noqon doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee West Ham United, hase yeeshee Chelsea ayaa lagu garaaci doonaa Stamford Bridge, waxaana 2-0 ku burburin doonta Brighton sida uu khabiirku saadaaliyey.

Liverpool ayaa sidoo kale ay u noqon doontaa ciyaartii lixaad ee xidhiidh ah ee aanay wax guul ah arag, waxaanay barbarro lasoo geli doonaan Leeds United oo ay ku booqanayaan Elland Road.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisa ugu dambaysay guul ciyaartii ay 7-0 ku xasuuqeen Manchester United, waxaana shantii ciyaarood ee dhamaan tartamada laga badiyey saddex ka mid ah iyo laba ay barbarro galeen.

Saadaasha Chris Sutton ee usbuuca 31aad oo dhamaystira

Sabti

Aston Villa 1-2 Newcastle United

Chelsea 1-2 Brighton

Everton 1-0 Fulham

Southampton 1-1 Crystal Palce

Tottenham 2-0 Bournemouth

Wolves 1-1 Brentford

Man City 3-0 Leicester City

Axadda

West Ham 0-2 Arsenal

Nottingham 1-1 Manchester United

Isniin

Leeds United 1-1 Liverpool