Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cadi Barre iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo ayaa la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.
Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa howsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo markii la magacaabay Guddiga Qaran 17 bishii Agoosto.
Sidoo kale, 25 Agoosto dowladdu waxay guddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag dhan $75,000 oo loogu talo galay in lagu dayactiro ceelasha biyaha ee degmada ku yaala.
4 Sebtember waxaa loo diray deeq dhan 20 tan oo cunto ah
magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.
Wasiirku waxa uu sheegay in la qabtay kulamo xiriir ah oo la xiriira gurmadka abaaraha iyo barnaamijyo wacyi-gelin ah.
Xubnaha ganacsatada oo ka hadlay kulanka ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan abaabulka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka dhibaateeysan.
Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu iyada oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoogga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si deg deg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan.