RW Rooble oo la kulmay Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Jubbaland

0
191

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xubno ka tirsan Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Jubbaland ayaa kulan kooban la yeeshay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ku amaanay kaalintii ay ka qaateen bilaabidii iyo hirgalintii Doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale Guddiga ayaa dhankooda waxaa ay uga mahadceliyeen Ra’isul wasaaraha dalka dhiirigalinta iyo soo dhaweynta ay kala kulmeen.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa Magaalada Nairob ka wadaa kulamo kala duwan, kuwaas oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.