RW Rooble oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee Abaaraha Geeska Afrika

0
187

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ah ee Abaaraha Geeska Afrika, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo Beesha Caalamka ku boorriyay in si deg deg ah loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.