RW Rooble oo Guddiyada Doorashooyinka Maamullada Qaar Ugu Baaqay In ay Degdeg u Bilaabaan Doorashada Aqalka Hoose

0
223

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay guddiyada Doorashooyinka heer Federal, Guddiyada Doorashooyinka Soomaalilaan, GalMudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu faray Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Buntilaan, Jubbalaan iyo HirShabelle in ay si degdeg ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Guddiyada doorashooyinka, ayuu raysal wasaaruhu faray in ay ilaaliyaan madaxbanaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktoobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.

“Hufnaanta Doorashada waxay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabadgelyo ah iyo in xilliga kala guurka ahi uu noqdo mid looga gudbo si xasiIlooni ah. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa guddiyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah,” ayaa lagu yiri Ra’iisul Wasaarahu.