Ruushku muxuu ka yiri qorshaha nabadda ee Mareykanku wado?

0
6

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in Ruushku uu “diyaar u yahay in uu heshiis la gaaro” Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka.

Lavrov oo la hadlayay BBC-da ayaa intaa ku daray: “Madaxweynaha Mareykanka waxa uu aaminsan yahay, aniguna si sax ah ayaan u maleynayaa, in aan u soconno jihada saxda ah.”

Mar la waydiiyay waxa ay ka dhigan tahay in la dilo rayid, iyadoo Ukraine ay bishii Maarso sheegtay inay diyaar u tahay xabbad-joojin, Lavrov wuxuu ku jawaabay: “Annagu kaliya waxaan bartilmaameedsanaa goobo ciidan ama meelaha rayidka ee ay adeegsadaan ciidamada.”