Ruushka oo looga shakiyay in uu carqaladeeyay diyaarad ay la socotay madaxweynaha Midowga Yurub

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ruushka ayaa lagu eedeeyay carqaladeyn kadib markii uu shaqeyn waayey habkii hagidda diyaarad ay la socotay madaxweynaha Midowga Yurub.

Ursula von der Leyen oo ku sii jeedday magaalada Plovdiv ee dalka Bulgaria markii GPS-ku uu joojiyay shaqadiisa, taasoo ku qasabtay duuliyihii in uu isticmaalo hagida ku saleysan dhanka dhulka si uu usoo deggo.

Wargeyska Financial Times, oo soo xiganaya saraakiil aan la magacaabin, ayaa sheegay in diyaaradda von der Leyen ay ku qasbanaatay inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Plovdiv iyadoo duuliyayaasha ay isticmaalayaan khariidado waraaqo ah.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in ay Bulgaria ka heleen xog ah in “faragelinta qaawan ee Ruushku sameeyay” ay ka dambeeysay dhacdada. Ruushka ayaa marar badan lagu eedeeyay faragelinta GPS-ka, oo inta badan ay ku lug lahaayeen diyaarado maraya hawada Baltic iyo Waqooyiga Yurub.

Komishanka Yurub ayaa sheegay in “hanjabaadaha iyo caga-juglaynta ay yihiin qayb joogta ah oo ka mid ah ficillada cadawtinimada leh ee Ruushka” iyo in dhacdadani ay xoojinayso ballanqaadkeeda ah “kor u qaadista awoodaha difaaca iyo taageerada Ukraine”.