Ruushka oo aqoonsaday maamulka Taalibaan ee Afghanistan

0
29

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ruushka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada xukunka Taaliban, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan Amir Khan Muttaqi uu ku tilmaamay go’aan geesinimo leh.Waxa uu Khamiistii magaalada Kabul kula kulmay danjiraha Ruushka u fadhiya Afgaanistaan, Dmitry Zhirnov, halkaas oo Mr Zhirnov uu si rasmi ah ugu gudbiyay go’aanka dawladdiisa ay ku aqoonsatay maamulka Taalibaan ee dalka Afghanistan. Muttaqi ayaa sheegay in ay tahay ” waji cusub iyo xidhiidh togan, ixtiraam labada dhinac ah iyo dhacdadani ay”tusaale” u noqon doonto dalalka kale.Taalibaan waxay raadinaysay aqoonsi iyo maalgashi caalami ah tan iyo markii ay xukunka ku soo noqdeen Agoosto 2021, in kasta oo ay jiraan warbixinno sheegaya xadgudubyada sii kordhaya ee xuquuqda aadanaha.